Posts

Showing posts from December, 2022

Xog caafimaad oo ku saabsan dhiig yaraanta

  Sida ugu fiican ee lagu garan karo in bukaanku ku yaryahay dhiigga cas waa baaritaan sheybaar dabadeedna la  ogaado tirada dhiiga cas iyo heerka Heamoglobinta oo looyaqaan (Hb). Hadii ay natiijooyinkaas ka hoos maraaan sidan, tusaale ahaan ragga 13.5g/dl iyo dumarka oo ah 12g/dl, qofkaa waxaa lagu tilmaamaa Aneamic (in uu qabo Aneemiya), hase yeeshee cabirkaas aannu soo xusnay wuu kala duwanaan karaa waxayna ku xirantahay sheebaarka, baaritaanno dheeri ah ayaana laguu diri karaa. Astaamaha lagu garto in uu qofku ku yaryahay dhiigga cas waxaa kamid ah; daal degdeg ah joogtana ah, calaacalaha iyo foolka oo midabkooda beddelmo, wadno garaac, neef yari, jirka oo tabar-darreeya iyo astaamo kale oo badan. Haddaba daweynta dhiigyarida waxay ku xirantahay waxa keenay in uu dhiigga cas hoos u dhaco. Tusaale ahaan dhiig yarida laxiriirta dhiig-baxa sida dhaawac waxaad u baahnaan kartaa in dhiig lagugu shubo halka sababaha laxiriira nabar ku yaalla caloosha bukaanka uu u baahan karo daweyn amab