Xog caafimaad oo ku saabsan dhiig yaraanta

 Sida ugu fiican ee lagu garan karo in bukaanku ku yaryahay dhiigga cas waa baaritaan sheybaar dabadeedna la  ogaado tirada dhiiga cas iyo heerka Heamoglobinta oo looyaqaan (Hb).

Hadii ay natiijooyinkaas ka hoos maraaan sidan, tusaale ahaan ragga 13.5g/dl iyo dumarka oo ah 12g/dl, qofkaa waxaa lagu tilmaamaa Aneamic (in uu qabo Aneemiya), hase yeeshee cabirkaas aannu soo xusnay wuu kala duwanaan karaa waxayna ku xirantahay sheebaarka, baaritaanno dheeri ah ayaana laguu diri karaa.

Astaamaha lagu garto in uu qofku ku yaryahay dhiigga cas waxaa kamid ah; daal degdeg ah joogtana ah, calaacalaha iyo foolka oo midabkooda beddelmo, wadno garaac, neef yari, jirka oo tabar-darreeya iyo astaamo kale oo badan.

Haddaba daweynta dhiigyarida waxay ku xirantahay waxa keenay in uu dhiigga cas hoos u dhaco. Tusaale ahaan dhiig yarida laxiriirta dhiig-baxa sida dhaawac waxaad u baahnaan kartaa in dhiig lagugu shubo halka sababaha laxiriira nabar ku yaalla caloosha bukaanka uu u baahan karo daweyn amaba qalliin waxaana xusid mudan in dhiigyarida ku dhacda dadka badankii ay la xiriirto Iron (birta) oo jirka ku yaraata waxaana lagu daweeya dawoonyin ay ka mid tahay Ferada. Haddii uu jirka bukaanka ku yaryahay vitamin-ka B12 waxa uu u baahnaan doonaa cirbado ama kiniiniyaal Vit B12 leh.

Dhiigyarida waxaa kaloo keena cudurro ku dhaca dhuuxa lafaha, meesha uu dhiiga kasoo askumo. Kilyaha oo howlgaba waxay keentaa dhiig la’aan.

Daawooyinka qaarkood waxay keenaan hoos u dhac ku yimaada dhiigga cas oo ay tahay in la joojiyo una baahan talo dhakhar.

Sababaha keena dhiigyarida aad beey u badanyihiin sidoo kale daweynta ayaanan looga maarmeynin talo dhakhtar oo bukaanka siiya talo iyo dawo ku habboon.

Comments

Popular posts from this blog

Astaamaha dumarka kacsiga badan

Sheeko wasmo

Si dabiici ah isaga daaweeye madax xanuunka