Biyo baxa degdega ah maxaa sababa
Biyo baxa deg dega ah waa in la xajin kari waayo biyaha inta ay bilowga tahay galmada. Arrintaan waa mid aad ugu sii kordhaysa ragga dunida. Inkastoo dumarku ay ku yartahay dhibaatadaan. Waa xaalad xanuun badan oo aan farxad gelinayn lammaanaha, keenaysana in laysku qanacsanaan waayo, welwel, baqdin badan, iyo ugu danbeyn dareenka raaxada oo hoos u dhaca niyad jab dartii. Maxaa keenaya biyaha oo la xajin kari waayo? Xaaladdani ma lahan sabab la caddeyn karo cilmi ahaan, waayo rabitaanka ragga ayaa keenta in dib loo dhigo biyo baxa si raaxo ku filan loola qaato lammaanaha. Xilliyada qaar waxaa dhici kara marka lammaane cusub loo tagayo, oo wax ka yar muddada caadiga ah ay ku yimaadan biyaha ragga. Waxa ugu wayn ee la ogyahay ee keenaa dhibtaan waa xaaladdo nafsi ku ah qofka, sida welwelka, niyad jabka. Waxaa xilliyada qaar sababi kara daawo si qaldan loo adeegsaday. Calaamadaha caddeynaya xaaladaan Waxa ugu wayn ee qofka biya baxa deg degga ah leh lagu arkayaa waa biyaha oo yimaada ka