Biyo baxa degdega ah maxaa sababa

 Biyo baxa deg dega ah waa in la xajin kari waayo biyaha inta ay bilowga tahay galmada. Arrintaan waa mid aad ugu sii kordhaysa ragga dunida. Inkastoo dumarku  ay ku yartahay dhibaatadaan.


Waa xaalad xanuun badan oo aan farxad gelinayn lammaanaha, keenaysana in laysku qanacsanaan waayo, welwel, baqdin badan, iyo ugu danbeyn dareenka raaxada oo hoos u dhaca niyad jab dartii.


Maxaa keenaya biyaha oo la xajin kari waayo?


Xaaladdani ma lahan sabab la caddeyn karo cilmi ahaan, waayo rabitaanka ragga ayaa keenta in dib loo dhigo biyo baxa si raaxo ku filan loola qaato lammaanaha.


Xilliyada qaar waxaa dhici kara marka lammaane cusub loo tagayo, oo wax ka yar muddada caadiga ah ay ku yimaadan biyaha ragga.


Waxa ugu wayn ee la ogyahay ee keenaa dhibtaan waa xaaladdo nafsi ku ah qofka, sida welwelka, niyad jabka. Waxaa xilliyada qaar sababi kara daawo si qaldan loo adeegsaday.


Calaamadaha caddeynaya xaaladaan


Waxa ugu wayn ee qofka biya baxa deg degga ah leh lagu arkayaa waa biyaha oo yimaada ka hor isutagga, ama daqiiqadda u horreysay ee galmada, taas oo ka yar waqtigii la filayay in biyo bax yimaado oo ah dhammaadka hawsha.


Dhaqtarkaaga ayaa qeexi kara in xaaladdu tahay biyo bax deg deg ah ama arin kale, isaga oo tixraacaya waraysi uu kula yeesho, baaritaanno jireed iyo in lammaanahaaga la xog waraysto, si xaaladda sariirta xog buuxda looga helo.


Habka daawaynta iyo la tacaalidda biyo baxa degdegga ah


Inkastoo marar badan si iskiis ah qofku u soo roonaado, isaga oo aan dawo adeegsan, haddana waxaa jira daawooyin meesha ka saaraya sababaha biyaha soo dedejiya. Waxaa door muuqda kaqaata ka bogsashada xaaladdaan hakinta isticmaalka tubaakada, khamriga iyo daawooyinka maandooriyaha ah, waxaana hakintaan ku roonaaday bukaanno horay uga cabanayay xaaladdaan.


Dhaqtarkaaga waxa uu la talin gaar ah oo hannaanka daweynta ka tirsan kaa siinayaa habka galmada, oo la hubo in ay qayb ka qaadanayso in biyahu daahaan, waxuuna dhaqtarku kaa caawinayaa sidii lammaanahaaga aad isugu afgaran lahaydeen hakinta falkasa oo soo dedejinaya biyaha.


Daawooyinka loo yaqaanno Antidepressant oo dajiya maskaxda ayaa waqtiyada qaarkood door wacan ka cayaara xallinta biyo deg degga, bahda dawooyinkan waxaa u caansan Clomipramine iyo Paroxetine oo leh waxtar dib dhigaya biyo baxa deg dega ah


Dawada caanka ku ah xanuun baabi’yaha ee Tramadol ayaa muddadan danbe ku soo biirtay saaxada daawooyinka ka hortaga biyo baxa deg dega ah.


Waxa sidoo kale jira kareemyo, boomaatooyin iyo walxa la buufiyo oo lamariyo xubinta galmada ragga ka hor inta lammaanuhu samayn isutag, waxaa ay daawooyinkan hakinayaan heerka dareen oo qayb ka ah dedejinta biyaha, waxaa xusid mudan in kacsiga hoos uga dhici karo mararka qaar lammaanahaaga daawadan darteed.



Comments

Popular posts from this blog

Astaamaha dumarka kacsiga badan

Sheeko wasmo

Si dabiici ah isaga daaweeye madax xanuunka