4 qish oo aad ninkaaga ku kasban karto
Inaad ninkaaga kasbato waxaad u baahantahay inaad raacdo 4 qish oo kuu sahlayo hanashada qalbigiisa. Haddii aad raacdo waxaan hubaa inaad nooga mahadcelin doonto misana boggeen caafimaadtv ku xirnaan doonto.
1. U noqo ninkaaga xaas naxariis badan
Dumarka qaar ayaa horay iska dhahayo, kaalay ninkeyga xaasid miyaan ku ahay, hadaanan ninkeyga u naxariisan yaan u naxariisan? Dabcan waad u tahay ninkaaga xaas naxariis badan balse waxaan ula jeedaa ku dheh erayo macaan oo naxariis badan, u sameey waxyaabaha uu jecelyahay, hana dhibsan hadduu wax kaa codsado.
2. Ixtiraam ninkaaga iyo Ehelkiisa
Inaadan ninkaaga iyo ehelkiisa aadan ixtiraam u muujin waa waxa ugu horeeyo ee kaa hor istaagi karo kasbashada qalbigiga ninkaaga sidaa darteed noqo xaas ku ixtiraamto rabitaankiisa marka laga reebo wixii uu Ilaaheey kaa xarimay. Ha noqon xaas reerkiisa gurigiisa ka fogeeyso sida darteed ilgaar ah ku fiiri reerkiisa, hana ka sheegin wax ceeb xittaa haddii ay jiraan.
3. Ku qaabil ninkaaga qalbiga furan
Ma jiro wax ka qurux badan markaan arko xaaskeyga oo igu soo dhaweyneyso qalbi furan misana arkayo dhoola cadeynteeda quruxda badan. Sidaa darteed ku soo dhaweey dhoola cadeyn iyo qalbi furan hana kaa ahaato mid qalbiyan ah oo aad si niyad ah u sameyneyso, ninka wuu dareemi karaa markeey dhab kaa tahay iyo markeey jilitaan kaa tahay.
4. U muuji ninkaaga inaad ku faraxsantahay la joogistiisa
Nin aadan noloshiisa ku faraxsaneyn inaad la noolaato wey adag tahay, sidaa darteed ha ahaado ninka aad rabto inaad la noolaato mid aad ku faraxsantahay. Sidoo kale hadaadan farxadaada u muuji waxa uu u fahmi inaadan ku qanacsaneyn ku dheh erayo macaan sida erayada ragga ay jecelyihiin oo kale.
Comments
Post a Comment